Sign in to follow this  
Deeq A.

Mahdi Guuleed oo weerar culus ku qaaday Kenya, shaaciyeyna ‘arrin ay ku cadaadisay’ Axmed Madoobe

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa ka hadlay khilaafka Soomaaliya iyo Kenya, isagoo sheegay in Kenya ay ku soo qaaday Soomaaliya duulaan soo xarka goostay, faro-gelin qaawan iyo qalqal gelin amni, sida uu sheegay.

“Waxaad ogeydeen markii dadka Soomaaliyeed ay isku dayeen inay la soo baxaan kheyraadkooda in markii la isugu tegay shirkii London ay nagu fureen dood cusub, oo ay bilaabeen inay dhulkeena ku murmaan, oo ay badeena ku murmaan, oo ay yiraahdaan waa xadgudub dhuleed, taasna waa duulaan,” ayuu yiri Mahdi Guuleed.

Waxa uu sheegay in hadda ka hor uu maadxweyne Farmaajo tegay Nairobi si meesha looga saaro wixii khilaaf ah oo jiray, balse wax yar kadib markii la gaaray heshiiskaas xildhibaano Soomaliyeed lagu bahdilay garoonka diyaaradaha Kenya, taasina ay uur ku taallo ku noqotay Soomaaliya.

“Intaas waxaa dheereed burburin dhaqaale iyo hanta dadweyne, sida taawarrada iyo qalabka kale ee shirkadaha isgaarsiinta Soomaaliya oo ciidanka Kenya uu burburiyey, sidoo kale waxay ka baxeen goobo istaraatiiji ah, si cadawga loogu logo dadkeena,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Mahdi.

Waxa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay intaas muujineysay dulqaad, si loo xajiyo wada noolaashaha shucuubta Geeska Afrika, balse Kenya ay sii waday cadaadiskeeda xad-dhaafka ah.

“Waxaad ka war-qabtaan in walaalkeen Axmed Madoobe madaxweynaha Jubbaland ay saartay culeys xad-dhaaf ah, kuna cadaadiyeen inuu dood cusub ka keeno heshiiskii uu wax ka saxiixay ee doorashada Soomaaliya, markii ay Kenyaanku Alamtara soo dhaafeen, waxaa khasab nagu noqotay inaan safiirkeenna u yeerano xiriirka diblomaasiyadeedna aan si rasmi ah ugu dhawaaqno inaan u jarnay,” ayuu yiri Mahdi Guuleed.

Waxa uu sheegay in dacwad dheer ay dowladda Soomaaliya u dirtay IGAD, isla markaana gar-naqsi uu hoggaamin doono madaxweyne Farmaajo uu ka dhici doono dalka Jabuuti.

“Meel fagaare ah maalin dhaweed madaxweyne ku xigeeka Kenya waxa uu ka sheegay inay Soomaaliya u soo dirsan doonaan owr tiraale siyaasadeed, si iyaga uu ugu adeego, waxyaabahaas oo dhan hadaan Soomaali nahay diidnaybaanu leenahay. Waxaan leenahay Afrikaay daya Kenya,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Mahdi Guuleed.

Ugu dambeyntii waxa uu sheegay in Soomaaliya ay khibrad weyn ka heysato colaad ka dilaacda Geeska Afrika iyo dal gudihiis, sidaas darteed ay nabadda door bideyso mar kasta.

Hoos ka Daawo

The post Mahdi Guuleed oo weerar culus ku qaaday Kenya, shaaciyeyna 'arrin ay ku cadaadisay' Axmed Madoobe first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this