Sign in to follow this  
Deeq A.

DF oo kasoo dabacday mowqifkii ay ka taagneyd guddiyada doorashooyinka

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) –  Ra’iisal wasaare ku-xigeenka dowladda federaalka Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo maanta ka qeyb-galay munaasibad ka dhacday Tiyaatarka Qaranka ayaa tanaasul ka muujiyey mowqifka xukuumadda ee ku aadan guddiyada doorashada ee lagu muransan-yahay.

Mahdi Guuleed ayaa sheegay in xukuumadiisu ay diyaar u tahay in wax ka bedel lagu sameeyo guddiyada doorashooyinka ee sida weyn uga hor-yimaadeen musharaxiinta mucaaridka oo iyagu u arka mid dhinac u xaglinaya.

Ra’iisal wasaare ku-xigeenka ayaa hoosta ka xariiqay in bedel lagu sameyn karo xubnaha guddiga doorashada lagu muransan yahay qof ama labadii qof ee dareen laga qabo, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale waxa uu ka dhawaajiyey in arrintan ay qaadanayaan uga dan leeyihiin sidii loo xalin lahaa tabashooyinka ku gadaan doorashooyinka, isla markaana ay dalka uga dhici laheyd doorasho ku qabsoomto waqtigeeda.

Ugu dambeyntiina waxa ra’iisal wasaare ku-xigeenka dowladda federaalka ugu baaqay maamul goboleedyada inay fuliyaan heshiiskii doorashada ee ay magaalada Muqdisho kula saxiixdeen madaxda sarre ee dowladda federaalka.

Go’aankan cusub ayaa imanaya xili ay musharaxiinta mucaaridka cadaadis xoogan xukuumadda ku saarayeen in wax laga bedelo guddiyada doorashooyinka ee lagu muransan-yahay, iyaga oo dhawaana magacaabay guddi cusub oo doorasho, kaasi oo ay sheegen in dalka uu ka qabanayo doorasho loo dhan yahay.

The post DF oo kasoo dabacday mowqifkii ay ka taagneyd guddiyada doorashooyinka first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this