Sign in to follow this  
Deeq A.

Dibad-baxyo rabshado wata oo ka dhacay magaalada Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Magaalada Muqdisho waxaa maanta ka dhacay dibad-baxyo rabshado watay, kuwaas oo ka dhacay xaafado ka tirsan degmooyinka Yaaqshiid & Kaaraan ee gobolka Banaadir.

Dibad-baxyada oo ahaa kuwo la soo abaabulay, islamarkaana looga soo horjeeday dowladda federaalka ayaa waxaa ka qeyb-galay tiro dad ah oo aad u yar, kuwaas oo ay  markii dambe kala eryeen ciidamada ammaanka Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa is-rasaaseyn kooban ay dhex-martay ciidamada Booliiska iyo sidoo kale askar la sheegay inay tirsan yihiin kuwa milatariga Soomaaliya.

Inta la xaqiijiyey waxaa is-rasaaseyntaasi ku dhintay ugu yaraan 4 qof, iyada oo ay ku dhaawacmeen illaa 9 kale.

Dhinaca kale siyaasiga caanka ah ee Jaamac Cali Jaamac oo la hadlay Shabelle ayaa ku eedeeyey dibad-baxyadaan inay ka dambeyeen hoggaamiyeyaasha mucaaradka dalka.

Xaaladda ayaa hadda ah mid degan, waxaana weli waddooyinka qaar ee caasimadda ku sugan ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this