Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: K/ Galbeed oo qalab & daawo kala wareegtay AMISOM

Recommended Posts

Deeq A.   

Daawadaan oo ka kobneyd nuucyo kala duwan oo loogu tala galey in lagula tacaalo Cudurka Safmarka ee Covid-19 iyo Cuduro kale ayaa Waxaa Ciidanka Amisom qeybta 3-aad ay maanta ku wareejiyeen wasaaradda caafimaadka ee Koonfur Galbeed.

Goobta Wasaaraddu ay kula wareegeysey dawada ayaa waxaa goobjoog ahaa Wasiirka wasaarada caafimaadka Mudane Maxamed Cusmaan jiidow. Qaar Ka mid ah shaqaalaha wasaaradda iyo saraakiil caafimaad oo ka tirsan hool-galka Amisom.

Saraakiisha amisom ee dawada wasaaradda ku wareejinayay oo goobta hadal ka jeediyey ayaa waxaa ay sheegeen in mar walba ày diyar uyihiin inay ka jawaabaan baahiyaha bulshada Soomaaliyeed tana ay ka mitahay waajibaadka ka Saaran shacabka ay u adeegaan

Saharo Cabddiraxamaan Maxamed oo kamid ah shaqaalaha wasaaradda iyo Wasiirka wasaaradda caafimaadka Koonfur Galbeed Maxamed Cusmaan Jiidow Ayaa si iskumid ah uga mahad celiyey ciidanka howl-galka Amisom . Waxaana ay balan qaadeen in ay gaarsiin doonaan goobihii looga talagaley.

Waaradda caafimaadka koonfur Galbeed ayaa dadaal dheer ugu jirtaa Sidii Adeegyo caafimaad loo gaarsiin lahaa bulshada koonfur galbeed . tanine waxa ay qeyb ka tahay dadaalada wasaaraddu ay ugu jirto in kor loo qaado bixinta Adeegyada bulshada.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:-

3bd096ff-63f1-4b29-9c46-b5473963e3f2.jpg7ed51df8-5d50-4956-aa88-0edb3eef0910.jpg67a46d37-c0b4-4263-bb52-ac27b772f873.jpg582e33df-57f5-4ff6-a18c-bb8807c63d8c.jpg83069a61-b460-4fa7-8a94-37016e476afb.jpg43594719-80ef-46a8-9333-3dd7e13ef750.jpgbc46b5db-cb94-47e6-acc8-e986289612e7.jpgcb2fdca0-ae3a-42ef-87fa-62cd99092603.jpg

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this