Sign in to follow this  
Deeq A.

Mahad Salaad oo weeraray MW Farmaajo, kadib dibad-baxyada Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Salaad oo ka tirsan mudanayaasha golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay xaaladda kacsanaanta ah ee maanta ka jirta gudaha magaalada Muqdisho, kadib dibad-baxyo ka dhacay.

Mahad Salaad ayaa marka hore wax laga xumaado ku tilmaamay in dad shacab ah oo dhigaya dibad-bax nabadeed loo adeegsado ciidan iyo rasaas nool-nool.

Sidoo kale wuxuu intaasiku daray in tani ay muujinayo in madaweyne Farmaajo uu ka quustay in kursiga uu mar labaad ku heli karo xeelad iyo xod-xodasho siyaasadeed.

“Shacab sacabooley ah oo si nabad ah u banaanbaxaya in loogu jawaabo Dabamiishaar (BKM), Dhashiike iyo Baasuuke (RPG) waxay ka tarjumaysaa in Farmaajo ka quustay in kursi uu ku heli karo xeelad iyo xodxodasho siyaasadeed, una jihaystay in uu wax ku goobo boob, bililiqo iyo dhiig la daadiyo,” ayuu yiri xildhibaan Mahad Salaad.

Ugu dambeyn wuxuu tacsi u diray ehellada dadkii shacabka ahaa ay waxyeelada ka soo gaartay shaqaaqooyinkii maanta ka dhacay caasimada.

“Waxaan u tacsiyeynayaa shacabka aan waxaba galabsan ee maleeshiyaadka Farmaajo ku soo aruuriyay Muqdisho maanta xasuuqeen. Intii dhimatay Allaha u naxariisto inta dhaawaca ahna Allaha u boogo dhayo. Aamin,” ayuu sii raaciyy.

Eedeynta xildhibaan Mahad Salaad ayaa ku soo aadeysa, iyada oo maanta dibad-baxyo looga soo horjeedo dowladda lagu qabtay waqooyiga magaalada Muqdisho.

The post Mahad Salaad oo weeraray MW Farmaajo, kadib dibad-baxyada Muqdisho first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this