Sign in to follow this  
Deeq A.

Dibad-baxyo Lagaga Horjeedo FARMAAJO Oo Ka Socda Muqdisho+SAWIRRO

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Muqdisho)-Magaalada Muqdisho waxaa haatan ka socda dibad-baxyo lagaga soo horjeedo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Dibad-baxyadan oo ay ka qeyb-galayaan dadweyne u badan dhalinyaro ayaa saaka ka billaamay waddooyin ku yaalla degmooyinka Kaaraan iyo Yaaqshiid ee gobolka Banaadir.

Dadweynahan ayaa ku qeylinayo erayo ay ka mid yihiin ‘ha dhoco madaweyne Farmaajo’ waa Kali-taliye iyo erayo kale oo ay ku cabiraan dareenkooda.

Xaaladda ayaa aad u kacsan, iyada oo dibad-baxayaasha ay taayaro ku gubayaan waddooyinka.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in qaar ka mid ah dibad-baxayaasha loo adeegsaday rasaas, kadib markii ay goobta tageen ciidamo ka tirsan kuwa amniga.

Rasaasta ayaa lagu soo warramayaa inay geysatay khasaare u badan dhaawacyo, sida ay ay ka warramayaan warbaahinta maxaliga ah ee Muqdisho oo ay Somalilandtoday ka soo xigatay warkan.

Dhinaca kale waxaa waddooyinka qaar lagu soo daadiyey ciidamo dheeraad ah oo loogu tala-galay inay ka hortagaan dibad-baxyadaan oo ahaa kuwa hore loo sii qorsheeyey.

Ciidammada oo intooda badan ku sugan Waddada Maka Al-Mukarrama ayaa hakiyey dhaq-dhaqaaqa gaadiidka, iyada oo ay dadku isticmaalayaan cagahooda.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa maalmihii la soo dhaafay ka socday dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo iska soo horjeeda, kuwaas oo lagaga hadlayey doorashooyinka.

a.jpg b.jpg c.jpg

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this