Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamo badan oo la dhigay jidadka Muqdisho + sababta

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa saaka xiray qaar ka mid ah waddooyinka magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.

Ciidamada oo wata gaadiidka dagaalka ayaa waxaa lagu soo daadiyey jidadka muhiimka ah, iyaga oo ka bilaabay dhaq-dhaqaaqyo cusub.

Sidoo kale ciidamadaas oo ah kuwa Booliis ah ayaa gaadiidka ka celinaya jidadka, taas oo keentay in shacabka ay isticmaalaan cagahooda, si ay u gaaraan meelaha ay rabaan.

Waddooyinka xiran ayaa waxaa ka mid ah qeybo badan oo ka mid ah wadada Maka Al-Mukarama, jidadka soo gala degmooyinka Xamarjajab, Waabari & isgoyska Jubba.

Wararka ayaa sheegaya in jidadkaasi loo xiray, si looga hortago banaabaxyo la sheegay in la qorsheeyey in maanta ka dhacaan Muqdisho, kawaas oo looga soo horjeedo dowladda.

Banaanbaxyadaas waxaa lagu soo warramayaa inay abaabulayaan musharraxiinta mucaaradka ah ee u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya.

Si kastaba Muqdisho ayaa waxaa maalmihii la soo dhaafay ka socday dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo iska soo horjeeda, kuwaas oo looga hadlayey doorashooyinka dalka.

The post Ciidamo badan oo la dhigay jidadka Muqdisho + sababta first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this