Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Dibad-baxyo looga horjeedo FARMAAJO oo ka socda Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho waxaa haatan ka socda dibad-baxyo looga soo horjeedo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Dibad-baxyadan oo ay ka qeyb-galayaan dadweyne u badan dhalinyaro ayaa saaka ka billowday waddooyin ku yaalla degmooyinka Kaaraan iyo Yaaqshiid ee gobolka Banaadir.

Dadweynahan ayaa ku qeylinayo erayo ay ka mid yihiin ‘ha dhoco madaweyne Farmaajo’ waa Kali-taliye iyo erayo kale oo ay ku cabiraan dareenkooda.

Xaaladda ayaa aad u kacsan, iyada oo dibad-baxayaasha ay taayaro ku gubayaan waddooyinka.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in qaar ka mid ah dibad-baxayaasha loo adeegsaday rasaas, kadib markii ay goobta tageen ciidamo ka tirsan kuwa amniga.

Rasaasta ayaa lagu soo warramayaa inay geysatay khasaare u badan dhaawacyo, sida ay Caasimada Online u sheegeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay.

Dhinaca kale waxaa waddooyinka qaar lagu soo daadiyey ciidamo dheeraad ah oo loogu tala-galay inay ka hortagaan dibad-baxyadaan oo ahaa kuwa horey loo sii qorsheeyey.

Ciidamada oo intooda badan ku sugan Waddada Maka Al-Mukarrama ayaa hakiyey dhaq-dhaqaaqa gaadiidka, iyada oo ay dadku isticmaalayaan cagahooda.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa maalmihii la soo dhaafay ka socday dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo iska soo horjeeda, kuwaas oo looga hadlayey doorashooyinka dalka.

131578932_769518503963054_31378945747518131578935_1114409905684188_8725270713028 131153700_769518667296371_26130013262277 131270154_769518583963046_79939345795071 131426636_769518640629707_73304858199676

The post Sawirro: Dibad-baxyo looga horjeedo FARMAAJO oo ka socda Muqdisho first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this