Deeq A. Posted December 15, 2020 Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in ay xiriirkii diblumaasiyadeed u jartay Kenya. Wasiirka Warfaafint Cismaan Abuukar Dubbe ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay go’aansatay in ay xiriirka diblumaasiyadeed u jarto Dowladda Kenya, ayna u yeeranayso dhammaan diblomaasiyiinteeda ka jooga Kenya in, sidoo kalana ay ku amrayso kuwa Kenya in ay dalka kaga baxaan muddo 7 maalmood ah oo ka bilaabaysa 15-ka Diseembar 2020. Wasiir Dubbe wuxuu ku sababeeyay go’aanka Dowladda Soomaaliya xiriirka ugu jartay Kenya mid ay uga jawaabayso xad-gudubyo siyaasadeed iyo fara-gelin muddoonyinkii ugu dambeeyey ay dowladda Kenya ku haysay madax-banaanida Soomaaliya, sida uu sheegay wasiirku. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay tilmaantay in ay shacabka Kenya u argto inuu yahay shacab jecel nabadda iyo wada noolaashaha shucuubta gobolka, ayna kala dhaxayso shacabka Soomaaliyeed xiriir qotodheer oo ku dhisan deris wanaag iyo wax wada qabsi, balse hoggaanka maanta ee Dowladda Kenya uu ka shaqeynayno kala fogeynta labada shacab ee dan-wadaagta ah. Ugu dambayn Dowladda Soomaaliya waxay sheegtay in aysan wax gorgortan ah haba yaraatee galaynin xorriyadda, madaxbanaanida iyo qaranimada ummadda Soomaaliyeed. PUNTLAND POST The post Soomaaliya oo xiriirka u jartay Kenya appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites