Sign in to follow this  
Deeq A.

Farmaajo ‘oo qorsheynaya’ tallaabo kale oo xasaasi ah oo lagu ciqaabayo Kenya

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dooneysa in Kenya ay kusoo rogto xayiraado hor leh oo diblomaasiyadii haddii ay sii wado waxa ay ugu yeertay “faro-gelinta gudaha ee arrimaha doorashooyinka”, sida uu baahiyay The Standard.

Sida uu qoray wargeyska The Standard ee Nairobi, Madaxweyne Farmaajo ayaa qorsheynaya inuu dalka Soomaaliya ka ceyriyo ku dhawaad boqol kun oo Kenyan ah, kuwaasi oo shaqooyin kala duwan u jooga gudaha Soomaaliya.

“Madaxweyne Farmaajo wuxuu dhawaan ku dhawaaqi doonaa Kenya inay tahay cadow taasna waxay ka dhigan tahay in ka badan 100,000 oo qof inay si toos ah shaqadooda u waayi karaan. Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Kenya iyo dowladdu waa inay xal u helaan sidii looga hortagi lahaa dhibaatadan,” ayaa lagu yiri warbixinta wargeyska, isaga oo soo xiganaya ilo xogogaal ah.

Xiriirka labada dal ee Kenya iyo Soomaaliya ayaa sii xumaaday kadib markii dhawaan ay dowladda federaalka ku eedeysay inay xukuumadda Nairobi ku hayso faro-gelin qaawan, isla markaana ay cadaadis ku saarayso qaar kamid ah madaxda dalka inay khilaaf ka abuuraan arrimaha doorashooyinka.

Dowladda federaalka ayaa toddobaadkii hore u yeeratay safiirkeedii Kenya, iyada oo ceyrisay safiirkii Muqdisho u fadhiyay xukuumadda Kenya, maadama ay sheegtay inay cabashooyin badan oo ka dhan ah madax-banaaninada Jamhuuriyada ka tirsaneyso xukuumadda Nairobi.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyada ee dalka ayaa sidoo kale soo saartay in dalka Soomaaliya uusan soo geli karin qof sita baasaboor Kenyaanka, ilaa uu Safaaradaha Soomaaliya kasoo qaato dal ku-galka. Sidoo kale  Muwaadiniinta Kenyaanka ah ee ku safraysa baasaboorka Dublamaasiga ah waxa lagu xirayl ogolaanshiyaha Wasaaradda Arrimaha dibedda Soomaaliya.

Hay’adda Socdaalka ayaa xustay xiligaasi in go’aankan cusub ay ku fulinayso siyaasada dowladda federaalka ah, gaar ahaan xaqiijinta amniga iyo hagaajinta habka socdaalka dalka, xili ay dhawaan dowladda federaalka Soomaaliya dhigeeda Kenya ku eedeysay faro-gal ka dhan ah arrimaha doorashooyinka.

Arrinta wargeyska uu banaanka keenay ayaa kusoo aadeysa xili uu meel xun gaaray xiriirka diblumaasiyadeed ee Kenya iyo Soomaaliya, hase yeeshe Caasimada Online si madax-banaan uma xaqiijin karto sheegashada wargeyska ee ku aadan tallaabooyinka qorsheysan ee ka dhanka ah Kenya.

The post Farmaajo 'oo qorsheynaya' tallaabo kale oo xasaasi ah oo lagu ciqaabayo Kenya first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this