Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda oo ciidamo ka dajisay Dhuusamareeb iyo ujeedka laga leeyahay

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ee loo yaqaano Gor-Gor ayaa maanta laga dejiyey magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug, iyadoo ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu halkaas kusii jeedo.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadaan ay wafdi hordhac ah u yahiin wafdiga ra’iisul wasaare Rooble oo halkaas kulamo kula qaadanaya maamulka uu hogaamiyo Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor.

Ilo kale oo madax bannaan ayaa sheegaya in ciidamada la geeyay caasimadda Galmudug loogu talagalay iney sugaan amniga goobaha doorashooyinka, gaar ahaan kuraasta la dhigayo magaalada Dhuusamareeb.

Rooble oo wajigabax kala soo laabtay maamulka Puntland ayaa arrimaha doorashada kala hadli doona maamulka Galmudug, oo aan wali noqon kuwa loo dhan yahay oo heshiis lagu yahay.

Maamulka Galmudug waxaa lagu tiriyaa maamullada taageersan dowladda dhexe, isla markaana aan wax tabasho ah ka qabin guddiga doorashooyinka oo ay dowladdu magacowday, taasoo ay ka hor yimaadeen xubnaha musharaxiinta iyo maamullada qaar.

Si kastaba, Qoor Qoor ayaa isku dayaya inuusan qaadan wax go’aano ah, ayada oo aan xal loo helin muranada taagan, wuxuuna wadaa dadaal uu ku dhex-dhexaadinayo dowladda iyo mucaaradka.

The post Dowladda oo ciidamo ka dajisay Dhuusamareeb iyo ujeedka laga leeyahay first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this