Deeq A. Posted December 14, 2020 Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in maanta dagaal qaraar oo u dhexeeyey labo maleeshiyo beeleed uu ka dhacay gobolkaasi. Dagaalka oo la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa xoogiisa waxa uu ka dhacay deegaanka Nagaarta oo hoostaga degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan. Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in dagaalkan uu salka ku haya baraago iyo lahaansho deegaan, sida ay innoo sheegeen qaar ka mid ah dadka ku dhaqan halkaasi. Inta la xaqiijiyey waxaa dagaalkaasi ku dhintay ugu yaraan hal qof, iyada oo ay ku dhaawacmeen saddex kale oo dhamaan ah dhinacyadii diriray. Xaaladda ayaa haatan ah mid degan, balse waxaa lagu soo warramayaa in labada dhinac oo marar kala duwan dagaalamay ay dhaq-dhaqaaqyo ka wadaan gobolka Hiiraan. View the full article Share this post Link to post Share on other sites