Sign in to follow this  
Deeq A.

Mahad Salaad: Caro iyo cunto la diido kuma jirto casharada siyaasadda Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Salaad oo ka tirsan golaha shacabka ayaa ka fal-celiyey baaqashada ra’iisul wasaaraha ee munaasabaddii lagu sagootinayey iyo casho sharafta loogu sameeyay madaxtooyada Puntland, isagoo ka doorbiday inuu kormeero goobaha ay dadka isugu yimaadaan ee magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal.

Ugu horreyn Mahad Salaad ayaa shaaca ka qaaday in caro iyo cunto la diido aysan ku jirin casharada siyaasadda Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay.

“Caro iyo cunto la diido kuma jirto casharada siyaasadda Soomaaliya”ayuu yiri Xildhibaan Mahad Salaad.

Tallaabadan ayaa dad badan waxa ay ku tilmaameen inay tahay mid ku cusub dhaqanka siyaasadeed ee dalka.

Arrintan ayaa sidoo kale salka ku heyso is-mari waaga ka taagan doorashooyinka, iyada oo natiijo la’aan ay ku soo dhammaadeen kulamadii ra’iisul wasaaraha iyo Deni.

Xaaladda siyaasadeed ee dalka ayaa ah mid cakiran, iyada oo dooda ugu adag ay ka taagan dhismaha guddiga doorashooyinka dalka.

The post Mahad Salaad: Caro iyo cunto la diido kuma jirto casharada siyaasadda Soomaaliya first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this