Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay gaari ku gubtay degaan ka tirsan gobolka Mudug

Recommended Posts

Deeq A.   
Gaariga-gubtay.jpg?resize=490%2C419&ssl=Sawirka saxda gaariga gubtay

Ugu yaraan laba ruux ayaa ku geeriyooday, shan kalena waa ku dhaawacmay, kadib markii gaari nooca Raaxad ah dab ku qabsaday degaanka lagu magacaabo saddexda-higlo, oo ka tirsan koonfurta gobolka Mudug.

Gaariga dabku qabsaday oo noociisu ahaa Landcruiser, waxa uu ka yimid dhanka Muqdisho, isagoo ku sii jeeday magaalada Gaalkacyo, waxaase uu dabku qabsaday xilli uu marayay degaanka Saddexda-higlo.

Faahfaahin sugan weli lagama helin, waxa dabkan sababay iyo haddii khasaaruhu intaas ka badanyahay, balse waxa haatan socda gurmadka loo fidinayo dadka ku waxyeelloobay dabkaas.

PUNTLAND POST

The post Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay gaari ku gubtay degaan ka tirsan gobolka Mudug appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this