Sign in to follow this  
Deeq A.

Mid ka mid ah 14-ka masuul ee hantida dowladeed haystay oo dib usoo celiyey

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiiru dowlihii hore ee wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya ahna Xildhibaan ka tirsan golaha shacabka Cabdullaahi Faarax Weheliye ayaa la shaaciyey inuu dib u soo celiyey gaari uu Hantidhowraha guud ee dalka horay uga dalbaday inuu ku soo celiyo gacanta dowladda.

14-masuul oo isugu jira wasiirro horay xilal looga qaaday iyo xildhibaano ayuu Hantidhowraha guud ee Qaranku shalay ka dalbaday inay gacanta hey’adihii ay ka qaadeen dib ugu celiyaan gaadiid ku maqan.

Xildhibaan Cabdullahi Faarax Weheliye ayaa noqday masuulkii ugu horeeyey ee fuliyey amarka Hantidhowraha Qaranka, waxuuna wasaradda arrimaha gudaha dib ugu celiyey, gaari Toyota HILUX ah.

“Waxan halkaan ku cadeynayaa in gaariga Toyota Hilux ah ee ku qornaa warqadda Hantidhowraha in wasaaraddu ku ogeyd wasiiru dowlihii hore ee wasaaradda arrimaha gudaha Cabdullaahi Faarax Weheliye, waxuuna ku jiraa diiwaanka guud ee hantida wasaaradda, markuu arkay warqadda Hantidhowraha waxuu go’aansaday in gaarigaas uu dib ugu wareejiyo wasaaradda,” ayaa lagu yiri qoraalkan.

Qoraalkan waxuu ka soo baxay wasaaradda arrimaha gudaha, waxaana ku saxiixan Agaasimaha guud ee wasaaradda Cali Maxamed Cusmaan, “Hantidhowraha guud iyo cid kasta oo ay khuseyso waxaan u cadeyneynaa in gaarigaas lagu soo wareejiyey wasaaradda arrimaha gudaha,” ayaa lagu yiri qoraalka.

11-1.jpg 22-1.jpg

The post Mid ka mid ah 14-ka masuul ee hantida dowladeed haystay oo dib usoo celiyey first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this