Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Maxay ka wada-hadleen MW Farmaajo iyo xildhibaanada Galmudug?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) ayaa xalay kulan casho sharaf ah la qaatay xildhibaanada baarlamaanka maamulka Galmudug ee ku sugan magaalada Muqdisho.

Kulanka oo ahaa mid ballaaran ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb-galay guddoomiyaha golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed iyo taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar).

Dhammaan mas’uuliyiinta ka qeyb-gashay kulanka ayaa mid mid khudbado uga jeediyey madasha, kuwaas oo ka hadlay marxaladda kala guurka ah iyo doorashooyinka dalka.

Sidoo kale waxaa kulankan lagu soo qaaday sida looga gudbi kara culeesyada ka jira doorashada 2020/2021-ka oo uu u haatan ka taagan yahay muran xoogan.

Dhinaca kale madaxweyne Farmaajo ayaa uga mahadceliyey guddoonka iyo xildhibaanada Galmudug, siday ay ugudanayaan waajibaadka shaqo ee loo igmaday, isaga oo kula dar-daamay inay sii laba jibaaraan, si Galmudug ay u gaarto horumar.

Ugu dambeyn guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug oo kulanka hadal ka jeediyey ayaa sheegay in mudadii koobneyd ee uu shaqeynayey baarlamaanka inay u qabsoomeen shaqooyin fara badan, sidoo kalena ay ka qeyb qaadanayaan doorashada.

Si kastaba xildhibaanada Galmudug ee haatan jooga Muqdisho ayaa horey ula kulmay musharrax madaxweyne Xasan Cali Khayre oo olole xoogan ka wada caasimadda.

131317774_3609696549114797_4610682984340 131381994_3609696672448118_4759469216657 131503562_3609696192448166_2037972870062 130907677_3609696819114770_4608317861678 131046619_3609696649114787_3122223180834 131052817_3609696532448132_6037504990452 131064733_3609696632448122_1617849608413

 

 

The post Sawirro: Maxay ka wada-hadleen MW Farmaajo iyo xildhibaanada Galmudug? first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this