Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya oo sheegay in adeegii Isgaarsiinta Mekelle dib loo soo celiyay

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iisulwasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa sheegay in korontadii iyo isgaarsiinta Taleefanada magaalada Mekelle  ee xarunta ismaamulka Tigray la soo celiyay, kadib markii la dayac tiray.

Abiy Ahmed oo gaaray Mekelle, isaga oo ay weheliyaan xubnaha maamulka ku meel gaarka tigreega iyo saraakiisha ciidanka Itoobiya, ayaa sidoo kale sheegay in howlaha gargaarka ay socdaan sidoo kalana la dhisayo kaabayaashii burburay.

Abiy wuxuu tilmaamay in baacsiga iyo qabashada waxa uu ugu yeeray danbiilayaasha ay sii socon doonaan.

Maanta oo Isniin ah ayaa lagu wadaa in shaqaalaha dowlada ay xafiiyada ku noqdaan

Ciidanka dowlada Itoobiya ayaa magaalada la wareegay 28 November kadib dagaal socday.

PUNTLAND POST

The post Ra’iisul wasaaraha Itoobiya oo sheegay in adeegii Isgaarsiinta Mekelle dib loo soo celiyay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this