Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaa looga hadlay Shirkii Horumarinta Gobolka Bari?

Recommended Posts

Deeq A.   
1-24.jpg?resize=1000%2C676&ssl=1

Guddoomiyaha Gobolka Bari, Ahna Guddoomiyaha Guddiga Hormarinta Gobolka Cabdisamad Yuusuf Maxamed Abwaan, ayaa shir Guddoomiyay shirka Bilaha ah ee Hormarinta Gobolka Bari.

Shirka ayaa maanta waxa xooga lagu saaray gurmadka saamayntii ka dhalatay duufaantii GATI, iyadoo Gudoomiyaha Gobolku warbixin ka dhegaystay Gudiga halka shaqadu marayso.

Sidoo kale, Shirka ayaa looga hadlay sicirka Sarrifka lacagaha shilinka soomaaliga & dollarka, waxaa shirka lagu lafo-guray sidii uu shilinku u shaqayn lahaa nolosha Bulshadana loogu jaan-goyn lahaa.

Xaaladaha Gobolka ka jira ee laga wada hadlay, ayaa waxaa kamid ahaa saamaynta yeeshay Ayaxa galaaftay degaanadda Gobolka iyo sidii loo soo dabar jari lahaa Ayaxa sii baahaya.

Guddoomiyaha Gobolka Bar,i Ahna Guddoomiyaha Guddiga Hormarinta Gobolka Cabdisamad Abwaan, ayaa ku adkayeey gudiga gurmadka saamayntii duufaantii GATI in ay dadaalkooda laba jibaaraan.

PUNTLAND POST

The post Maxaa looga hadlay Shirkii Horumarinta Gobolka Bari? appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this