Sign in to follow this  
Deeq A.

Kulankii RW Roble iyo Isimada dhaqanka Puntland maxaa ka soo baxay?

Recommended Posts

Deeq A.   

Warar lagu kalsoon yahay ayaa waxay sheegayaan in Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Roble uu warbixin ballaaran ka siiyey Isimada iyo salaadiinta Puntland xaaladda siyaasadeed ee wadanku marayo, khaasatan caqabadaha hortaagan arrimaha doorashooyinka oo ay ugu wayn tahay Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni oo hortaagan inuu fuliyo heshiiskii siyaasadeed ee la gaaray 17kii Sebteembar 2020z

Ra’iisul Wasaare Rooble wuxuu kale oo uu sheegay marka la fiiriyo sida mucaaradka, Deni iyo Axmed Madoobe ay u hortaaganyihiin hirgalinta heshiiska Doorashayiinka inaysan ka fursan doonin in DFS ayadoo fiirinaysa waajibaadk dastuuriga ah ee ka saaran ilaalinta danta Qaranka iyo waliba inuusan wadanku galin qalalaaso siyaasadeed iyo mid amni ay DFS ku dhaqaaqi doonto tilaaboooyin culus oo ka mid tahay in la fuliyo, lana qabto Doorashada lagu heshiiyay xataa hadii uu diido Madaxweyne Deni inuu soo magacaabo Xubnaha Gudiga matala Dowlad Goboleedka Puntland.

Ra’iisul Wasaaraha wuxuu kaloo sheegay inaysan marnaba rabin in doorasho la qabto Puntland laa’aanteed, laakiin haddana suurto gal ma ahan in wadanku u xayirnaado rabitaanka shakhsiyaad damac Madaxweyne ku jiro, doonayana inay ka abuuraan dalka qas amni & mid siyaasadeed ayadoo u adeegayada wadamo shisheeye oo kaleh Soomaliya dano gurracan in aysan Soomaliya dib u soo ceshan sharafteedii & maqaamkii ay ku lahayd aduunka.

Ugu danbayntii wuxuu Ra’iisul Wasaare Rooble kula dardaarmay Isimada Puntland inay gutaan waajibkooda dhaqameed iyo wadaninimo, isla markaasna ay Madaxweyne Saciid Deni ka keenaan inuu qaato dowrkii nabadoonimo, ee looga bartay Madaxdii Sare ee Puntland ayadoo uu xasuusiyay dowrkii taariikhiga ahayd ee Dawlad Goboleedka Puntland ka qaadatay dib u yagleelidda iyo Dib u dhiska Dawladda Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this