Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo go’aan rasmi ah ka gaartay kiiskii xildhibaanada

Recommended Posts

Deeq A.   

Maxkamadda Sare ee Puntland, ayaa Galabta go’aan rasmi ah ka soo saartay, kiiska 8 xubnood ka tirsanaa Baarlamanka, kuwaas oo xasaanadda laga qaaday 3-dii bishan.

Warqad ka soo baxday Maxkamadda sare, ayaa lagu caddeeyay in ay sharci tahay xilka xayuubintii lagu sameeyay 8-da xildhibaan ee kala ah; Cabdi Jamaal Cismaan Maxamed, Saleebaan Faarax Ciise, Cabdiqani Abshir Jaamac ( Surato), Cabdiraxmaan Maxamed Maxamud ( Dhoore), Muuse Siciid Xassan (jejebsay), Maxamuud Maxamed Barre, Cabdicasiis Siciid Maxamuud (Baduugaaye) iyo  Maxamuud Axmed Caalin.

Maxkamaddu waxay amar ku bixisay, in aysan Baarlamanka dib dambe ugu laaban Karin Xubnaha kor ku xusan, islamarkaana si deg deg ah loo diyaariyo beddelkooda, maadaama dhammaantood ay ku caddaatay eedaynta loo jeediyay , sida warqadda ku cad.

Sidoo kale, Maxkamaddu waxay amar ku bixisay in xubnaha xilka xayuubinta lagu sameeyay ay magdhow ka bixiyaan Qalab kala duwan oo ay waxyeello gaarsiiyeen, waxaana Go’aankan ku saxiixan dhammaan shanta xubnood ee ay ka koobantahay Maxkamadda sare.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this