Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Shir looga hadlayo amniga doorashada oo ka furmay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Magaalada Muqdisjo waxaa maanta ka furmay shir ballaaran oo looga hadlayo sugida amniga doorashada dalka ka dhaceysa dhammaadka sanadkan iyo ka xiga ee 2021-ka.

Shirweynahan oo socon doono muddo saddex maalin ah ayaa waxaa ka qeyb-galaya guddiga amniga doorashooyinka qaranka 2020/2021, taliyeyaasha Booliiska maamul goboleedyada dalka, xubno ka tirsan hay’adda NISA, saraakiil ka socota AMISO iyo QM.

Guddiga amniga doorashooyinka ayaa wax ka badalaya nidaamkii sugista amniga doorashooyinka oo markii hore ku saleysnaa sugida amniga doorasho qof iyo cod ah, waxaana guddiga haatan ay isu diyaarinayaan sugida amniga doorasho dadban oo ay ku heshiiyeen madaxda dowlad goboleedyada dalka iyo kuwa dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Sidoo kale maalinta Talaadada ah ayaa lagu wadaa in la soo gaba-gabeeyo shirka, iyada oo laga soo saari doono ga’aano la xiriira sugida amniga doorashooyinka dalka.

Dhowaan ayay aheyd markii taliyaha Booliska Soomaaliya, ahna gudoomiyaha guddiga amniga doorashooyinka qaranka ee 2020 illaa 2021-ka uu safaro ku soo kala bixiyey goobaha ay loo qorsheeyey inay ka dhacayaan doorashooyinka ee maamul goboleedyada.

cee62978-d9b7-4a24-92a1-ec3573bda1c0 fafc3c57-57fb-46b1-bf33-c49ed3e85a84 45e5e257-5a0f-452b-9b5c-ff184ce7e429 73cfa372-cc2e-4611-8db7-725d2a4b8ce4

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this