Sign in to follow this  
Deeq A.

Kenya oo ka digtay weeraro ay Al-Shabaab ka geysato dalkeeda

Recommended Posts

Deeq A.   

Saraakiisha Booliiska ee dalka Kenya ayaa shacabka ugu baaqay in ay ka feejignaadaan weeraro dagaalyahanada Al-Shabaab ay ku qaadi karaan qaybo ka mid dalkaasi.

Booliiska ayaa sheegay in tobanaan ka tirsan dagaalayahanada Al-Shabaab ay soo galeen gudaha Kenya, si ay weeraro ugu gaystaan goballadda xadka la leh Soomaaliya.

Sidoo kale Booliiska ayaa xusay in 40 xubnood oo ka mid ah Al-Shabaab ay qorsheynayaan in weeraro gaadmo ah ay ku qaadaan deegaanada Amuma, Hamey iyo is-maamulka Garissa ee waqooyiga bari ee Kenya.

War ka soo baxay Booliiska ayaa sidoo kale lagu sheegay in deegaanada aan helin digniinta Al-Shabaab ay dhici karto in lagu bartilmaameedsado saraakiil ka tirsan dowladda.

Al-Shabaab ayaa Kenya dagaal kula jirta illaa iyo sanadkii 2011 oo wadankaasi uu soomaaliya u soo diray ciidamo markii dambe qayb ka noqday howl-galka AMISOM.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this