Sign in to follow this  
Deeq A.

Somaliland oo gacanta ku dhigtay hooyo gubtay caruur ay dhashay

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamada Somaliland ayaa lagu soo warramayaa inay gacanta ku dhigeen hooyo afar caruur ah oo ay dhashay ku gubtay duleedka magaalada Burco ee gobolka Togdheer.

Falkan argagaxa leh ee lagu gubay caruurta ayaa xalay sigaar ah uga dhacay deegaan lagu magacaabo Naqdhabiijo oo ku yaalla bariga magalada Burco.

Labo ka mid ah caruurta ayaa goobta ku geeriyootay, halka labada kalena ay soo gaareen dhaawacyo culus, kuwaasi oo la dhigay isbitaalka guud ee magaaladaasi.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa Booliiska maamulka Somaliland oo durbo gacanta ku dhigay hooyadii ka dambeysay falkaas, taas oo lagu xiray xabsi ku yalla gudaha magaladda Burco ee gobolka Togdheer oo dhaca waqooyiga Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this