Sign in to follow this  
Deeq A.

Qarax xoogan oo goor dhow ka dhacay koonfurta Gaalkacyo

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug ayaa sheegaya in goor dhow qarax khasaare geystay uu ka dhacay koonfurta magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolkaasi.

Qaraxa oo ahaa miino ayaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay agagaarka xarunta dowladda hoose ee maamulka magaalada Gaalkacyo ee Galmudug.

Ugu yaraan saddex qof oo labo ka ah ay askar yihiin, halka qofka kalena ay tahay dumar ayaa ku dhaawacantay qaraxaasi, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen ilo deegaanka ah.

Weli ma jiro wax faah faahin ah oo ay saraakiisha laamaha ammaanka ay ka bixiyeen qaraxaasi.

Faah faahinta kala soco:radioshabelle.com.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this