Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Deni oo mid-mid u qaabilay Wasiiro ka tirsan dowladda Federaalka

Recommended Posts

Deeq A.   
4-9.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xalay mid-mid u qaabilsay Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya oo socdaalka ku wehelinayay Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Wasiirada Madaxweyne Deni uu xalay qaabilay waxa kamid ah Wasiirka Waxbarashada, Cabdullaahi Abukar Xaaji, Wasiirka Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Cabdullaahi Bidhaan Warsame, Wasiirka Caddaalada Cabdulqaadir Maxamed Nuur, Wasiirka Dastuurka Saalax Axmed jaamac iyo Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Maaliyadda Maxamuud Xayir Ibraahim.

Madaxweyne Deni, ayaa mid kasta oo Wasiiradaas kamid ah kala hadlayay Arrimaha uu qaabilsanyahay, waxaana kulamada ku weheliyay Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Puntland, kuwaas ay isku shaqo yihiin xubnaha Madaxweynuhu la kulmay.

Hoos ka eeg sawirada

1-23.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1 3-8.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1 4-9.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1 5-5.jpg?resize=960%2C640&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Deni oo mid-mid u qaabilay Wasiiro ka tirsan dowladda Federaalka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this