Deeq A. Posted December 13, 2020 Xarunta Madaxtooyada Puntland, waxa goor dhow ka furmaya kulan xasaasi ah, oo u dhexeeya Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo Ra’iisul wasaare Rooble. Kulanka waxa looga wada-hadlaya, xal u helidda khilaafka ka taagan Arrimaha Doorashada, gaar ahaanna Guddiga Doorashooyinka heer Federaal iyo Arrinta Gobolka Gedo, kuwaas oo la isku fahmi waayay kulamadii shalay dhexmaray labada dhinac. Ra’iisul wasaare Rooble, ayaa shalay ka dalbaday Puntland, in ay magacowdo guddi-hoosaadka Doorashooyinka heer Puntland, kadibna Muqdisho la isugu yimaado shir u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada dalka, si loo xalliyo muran ka jira. Balse, Madaxweyne Deni ayaa shardi ka dhigay in marka hore Dowladda Federaalku ogolaato in Jubaland gacanteeda lagu celiyo Gobolka Gedo, si ay Doorashada uga qabtaan, taas oo Ra’iisul wasaaruhu ka caga-jiidayo. Sidoo kale, Mr Deni wuxuu codsaday in dhammaan la beddelo xubnaha Guddiga Doorashooyinka ee Gobollada Waqooyi ee Somaliland, islamarkaana guddi la isla ogolyahay la sameeyo si muranka looga gudbo. PUNTLAND POST The post Kulan xasaasiya oo goor dhow u furmaya Deni iyo Rooble appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites