Sign in to follow this  
Deeq A.

DF ‘oo diyaar u ah’ isbedel lagu sameeyo qodobo ka mida heshiiskii doorashada

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo wareedyo ka tirsan Villa Somalia ayaa Caasimada Online in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu qaatay go’aan wax looga badalayo heshiiskii doorashada Soomaaliya, ee la gaaray bishii 9-aad ee sanadkaan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa qorsheeyay in wax ka badal lagu sameeyo in doorashada ay ka dhacdo laba magaalo halkii maamulba, qodob quseeyo guddiyada ka imanaya Somaliland iyo arrimo kale.

Qodobada wax ka bedalka laga rabo ayaa la sheegay in Madaxweyne Farmaajo damacsan inuu ku badasho arrinta Gobolka Gedo, haddii ay suurta geli weysana deg deg loo qabto doorashada si uu ugu tashada xubnaha ka imaanaya Jowhar, Baydhabo, Dhuusamareeb, iyo Muqdisho oo ah xubnaha waqooyiga iyo Banaadiriga ah.

Madaxtooyada ayaa rumeysan in xildhibaano ku filan oo u codeeya Farmaajo laga heli karo Baydhaba, Jowhar, Dhuusamareeb iyo Muqdisho, sidaas darteedna qodobka dhigaya laba magaalo laga tanaasuli karo.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa isku dayaya inuu dhameeyo xiisada maamulada Puntland iyo Jubaland, ugu yaraan dhinaca Puntland si uu awood ugu muquuniyo Jubaland iyo mucaaradka kale.

Hase yeeshee, Saciid Deni ayaa ku gacan seeray in Jubaland gooni loo riixo, taasi oo adkeyneysa qorshaha Vila Somalia.

Sidoo kale, madaxweynaha HirShabelle Cali Guudlaawe, ayaan weli si buuxda u ogolaan inuu doroasho qabto, isaga oo cadaadis kala kulmaya beesha Mudullood ee uu kasoo jeedo.

Dhammaadka, muddo xileedka madaxweynaha Soomaaliya ayaa aad usoo dhawaatay waxaana ka harsan muddo ka yar 60-maalmood. Dad badan ayaa ka walaacsan xaaladda dalka, gaar ahaan waxa dhici doona marka Farmaajo uu noqdo madaxweyne hore.

The post DF 'oo diyaar u ah' isbedel lagu sameeyo qodobo ka mida heshiiskii doorashada first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this