Sign in to follow this  
Deeq A.

Saraakiil kasoo jeeda Syria, Tanzania iyo Soomaaliya oo laga dilay Al-Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa laga helayaa howlgal ciidanka kumaandooska Soomaaliya ee Danab ay ka fuliyeen gobolka Shabeellada Hoose, kaas oo lagu dilay saraakiil ajaanib ah oo u kala dhashay dalalka Suuriya iyo Tanzania.

Howlgalkaas ayaa ka dhacay degmada Sablaale ee gobolka Shabeellada Hoose, waxayna sheegeen saraakiisha Danab inay ku dileen 17-dagaalame oo ay ku jiraan laba sarkaal oo ajaanib ah iyo sarkaal kale Soomaali ah.

Sarkaal ka tirsan ciidamada Danab ayaa Idaacadda Codka Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya u sheegay in howlgalkaasi uu ahaa mid qorsheysan, isla markaana ay ciidamadu ugu daateen xarun ay xubnahaasi uga sugnaayeen degmada Sablaale.

Xaruntaas waxa uu sheegay inay degaanaayeen saraakiil iyo dagaalamayaal ka tirsanaa qeybta  Jabhadaha ee Al-Shabaab’ kuwaas oo weerarrada tooska ah u qaabilsan kooxda.

Waxa uu sheegay in dagaal kooban oo ka dhacay gudaha xarunta ay ku dileen Suleymaan Abuu Maxfuud oo ahaa ku xigeenka madaxa Jabhadaha Al-Shabaab, kaas oo u dhashay dalka Tanzania.

Sidoo kale Abuu Yaasir Yaxiid oo heesta dhalashada dalka Suuriya, isla markaana kooxda u qaabilsanaa ammaanka xarunta lagu weeraray ayuu sheegay sarkaalkaas u hadlay Danab in lagu dilay howlgalka.

Xasan Maxamed Cismaan oo isna ah Soomaali Al-Shabaab u ‘qaabilsanaa howlgalinta qeybta Jabhada kooxda ee Shabeellada Hoose ayuu sidoo kale sheegay sarkaalkaas u hadlay ciidanka Danab inay ku dileen Sablaale.

Ugu dambeyntii sarkaalka u hadlay kumaandooska Soomaaliya Danab waxa uu sheegay in xarunta ay weerareen ee Al-Shabaab ay aheed tan ugu weyn ee gobolka Shabeellada Hoose ay ku lahaayeen, isla markaana ay gabi ahaanba ka burburiyeen.

The post Saraakiil kasoo jeeda Syria, Tanzania iyo Soomaaliya oo laga dilay Al-Shabaab first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this