Sign in to follow this  
Deeq A.

Lafta-gareen oo xilka qaadis ku sameeyay qaar kamid ah golihiisa wasiirada

Recommended Posts

Deeq A.   
Laftagareen3.jpg?resize=512%2C341&ssl=1

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa xilalkii ka qaaday saddex kamid ah golihiisa wasiirada, sidoo kalana magacaabay xubno cusub.

Madaxweyne Lafta-gareen ayaa Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Koonfur Galbeed u magacaabay Ibraahim Cali Aadan Janax oo horey u ahaa Guddoomiyihii Gobolka Shabeellaha Hoose

Sidoo kale madaxweynaha Koonfut Galbeed ayaa Wasiirka Dekaddaha iyo Gaadiidka Badda u magacaabay Cali Maxamed Cali, halka uu Wasiirka Dastuurka Koonfur Galbeed u magacaabay Cumar Axmed Aadan.

Wareegto ka soo baxay madaxweyne Lafta-gareen ayaa lagu sheegay sababta loo magacaabay wasiirada cusub in ay tahay baahi loo qabo dardar-gelinta howlaha maamulka iyo ahmiyada golaha wasiirada ee Koonfur Galbeed.

FB_IMG_16077931769881389.jpg?resize=720%

PUNTLAND POST

The post Lafta-gareen oo xilka qaadis ku sameeyay qaar kamid ah golihiisa wasiirada appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this