Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamo ka tirsan kuwa DF oo qarax lagula eegtay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Faah faahino kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax ciidamo ka tirsan kuwa dowladda maanta lagula eegtay qeybo ka mid ah degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

Qaraxa oo ahaa nooca miinada ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay agagaarka madaxtooyadii hore ee Cabdiqaasim Salaad Xasan.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa lala bartilmaameedsaday gaari Cabdi Bile ah oo ay la socdeen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.

Ilo deegaanka ah ayaa Shabelle u sheegay inuu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo ka dhashay qaraxaasi, balse ma cadda inta uu gaarsiisan yahay.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Soomaaliya oo muddo kooban xiray dhaq-dhaqaaqa meesha ay wax ka dhaceen.

Muddooyinkii dambe ayaa waxaa Muqdisho ku soo badanayey falal liddi ku ah amniga, iyadoo dalka uu ku jiro marxalad kala guur ah oo la aadayo doorashooyinka dalka.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this