Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirka arrimaha gudaha oo kormeeray xero ku taalla Beledweyne

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mukhtar Xuseen Afrax ayaa kormeer ku tegay xarunta Ciidanka Xooga Dalka ee Qeybta 27 ee magaalada Balaedweyne.

Afrax waxa uu u kuurgalay xaaladda ciidanka oo shaqo weyn ka haya deegaanka, taas oo ay ugu horeyso ilaalinta amniga iyo badqabka shacabka.

Sidoo kale waxa uu warbixin ka dhagaystay saraakiisha ciidanka uu ugu horeeeyo Taliyahaya Guutada 5naad ee Qeybta 21aad Gaashaanle Dhexe Maxamuud Xasan Ibraahim  iyo saraakiisha kale ee hogaanada kala gadisan.

Ugu dambeyn Wasiirka Arrimaha gudaha Soomaaliya ayaa ku wareejiyey ciidanka laba neef oo geela, waxa uuna kula dardaarmay in ay sii laba laabaan shaqada Qaran ay Ummadda Soomaaliyeed u hayaan gaar ahaan shacabka Gobolka Hiiraan

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this