Sign in to follow this  
Deeq A.

Faah-faahin: Qarax kale oo maanta ka dhacay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) Wararka inaga soo gaaraya Magaalada Muqdisho, ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhacay qarax jugtiisa laga maqlay xaafado ka mid ah Magaalada.

Qaraxa oo ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso, ayaa waxaa lala eegtay gaadiid ay wateen Ciidamo ka tirsan Xoogga dalka Somaliya, kuwaasi oo maraayay wadada Cabdi Qaasim.

Qaraxa ayaa si gaar ah wuxuu uga dhacay agagaarka Dugsiga Sare ee Banaadir, waxaana la sheegayaa inuu dhaliyay khasaare kala duwan.

Inkastoo aanan si rasmi ah loo ogeyn waxyeelada saxda ah ee qaraxaasi uu sababay, ayaa haddana wararka soo baxaya waxa ay sheegayaan ciidankii saarnaa gaariga inay wax ku noqdeen.

Wadada Cabdi Qaasim ee isku xirta tarabuunka iyo KM4 ayaa waxa ay noqotay waddada ugu halista badan ee Magaalada Muqdisho, maadaama Qaraxyo halkaasi ay ka dhacaan oo wadada lagu aaso.

The post Faah-faahin: Qarax kale oo maanta ka dhacay Muqdisho first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this