Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Beesha Xawaadle oo Jeneral Mukhtaar hordhigay saddex shuruud oo adag

Recommended Posts

Deeq A.   

Beledweyne (Caasimadda Online) – Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya Mukhtaar Xuseen Afrax ayaa kadib muddo todobaad ah oo uu shirar kala duwan la yeelanayay odayaasha beesha Xawaadle, waxaa lasoo hordhigay dhowr shuruudood oo adag.

Wasiirka ayaa Beledweyne u tagay inuu xal u helo diidmadii lagala hor yimid madaxweynaha dhawaan la doortay ee HirShabelle Cali Guudlaawe Xuseen oo doonayay inuu booqasho ku tago magaalada Beledweyne, si halkaasi loogu caleemo-saaro.

Wararka laga helaayo magaalada Beledweyne ayaa sheegaya in wasiirka loo gacan-geliyey saddex shuruud, oo ay hordhigeen odayaasha iyo waxgaradka beesha Xawaadle kuwaas oo kala ah.

1- In 10 xildhibaan oo dheeri ah laga siiyo baarlamanka maamulka HirShabelle
2- In lagu wareejiyo caasimadda HirShabelle, oo hadda ah Jowhar.
3- In lagu wareejiyo xubnaha ay beesha Abgaal ku laheyd golaha wasiirada, maadaama ay qaateen madaxweyne.

Illaa iyo hadda ma cadda waxa uu wasiirka ka yeeli doono shuruudahaas, iyo xitaa haddii uu aqbalo sida uu uga dhaadhicin karo beesha Abgaal.

Dhinaca kale, wararka ka imaanaya Beledweyne waxey sidoo kale sheegayaan in Gen. Xuud iyo xulufadiisa lagu qancinayo iney odayaasha iyo waxgaradka la qaataan wixii ay u dhiibeen Wasiirka.

Siyaasiyiin horay ula soo shaqeeyay xukuumadda Federaalka ayaa taageeray kacdoonka, halka wali uusan ka hadlin arrimahaan Ugaaska Beesha Ugaas Xasan Ugaas Khaliif.

The post Xog: Beesha Xawaadle oo Jeneral Mukhtaar hordhigay saddex shuruud oo adag first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this