Deeq A. Posted December 12, 2020 Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble oo xalay ku hoyday Garoowe ayaa la filayaa in uu maanta kulamo la yeesho madaxda sare ee maamulkaasi. Kulamada oo ah kuwa xasaasi ah ayaa waxaa looga hadlayaa arrimaha doorashooyinka dalka, gaar ahaan tabashada ay qabto dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland. Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in xalay labada dhinac ay yeesheen kulamo horudhac ahoo looga hadlay marxaladda kala guurka ah, siiba doorashadooyinka. Khilaafka ugu adag ayaa waxa uu ka taagan yahay dhismaha guddiyada doorashooyinka oo ay walaac ka muujiyeen inta badan hoggaamiyeyaasha mucaaraadka dalka. View the full article Share this post Link to post Share on other sites