Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxkamada sare oo go’aan ka gaartay kiis uu DONALD TRUMP ku doonayo in lagu laalo guusha JOE BIDEN

Recommended Posts

Deeq A.   

Washington (Caasimada Online) – Maxkamadda Sare ee Mareykanka ayaa Jimcihii diidday dacwad uu gobolka Texas u gudbiyay oo lagu rabay in lagu laalo codbixinti gobollada Georgia, Michigan, Pennsylvania and Wisconsin oo uu Biden ku badiyay.

Dacwadda gobolka Texas ayaa waxaa taageeray in ka badan 100 mudane oo Jamhuuri ah oo ka tirsan Aqalka Wakiillada, kuwaas oo rajo ka qabay in Maxkamadda Sare ay tuurto natiinada doorashadi madaxtinimada ee afar gobol oo ka tirsan Mareykanka oo uu ku guuleystay Joe Biden.

Go’aan kooban oo kasoo baxay Maxkamadda Sare ayaa lagu sheegay, in Texas uusan sharci u laheyn inuu dacwad ka keeno kiis ka dhan ah gobollada Georgia, Michigan, Pennsylvania and Wisconsin.

Kiiskan ayaa waxaa talaadadi Maxkamadda Sare u gudbiyay Xeer-ilaaliyaha guud ee gobolka Texas oo ah Jamhuuri, isla markiiba waxaa taageeray kiiska xeer ilaaliyaasha 19 gobol oo ka mid gobollada Mareykanka iyo 129 mudane oo Jamhuuri ah oo ka tirsan Congress ka.

Maxkamadda Sare ee Mareykanka ayaa waxaa qaadi ka ah 9 garsoore oo 6 ka mid ahi yihiin Jamhuuri. Saddex ka mid ah waxaa magacaabay Trump, midkoodna kama uusan hadlin dacwaddaan.

Go’aankan ayaa dhabar-jab ku ah rajadi uu madaxweynaha xilka kasii dhamanayo ka lahaa in maxkamadda sare ay ku diido natiijada doorshada uu ku guuleystay madaxweynaha la doortay Joe Biden.

Maalinta Isniinta ah ayay kulmi doonaan xubnaha Ergooyinka leh codbixinta ugu danbeysa ee doorashada Madaxweynaha Mareykanka, kuuwaasoo loo yaqaano Electoral College.

The post Maxkamada sare oo go'aan ka gaartay kiis uu DONALD TRUMP ku doonayo in lagu laalo guusha JOE BIDEN first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this