Sign in to follow this  
Deeq A.

Xukuumada Abiy Ahmed oo ogolaatay arrin ay muddo ka diidaneyd gobolka Tigray

Recommended Posts

Deeq A.   

Addis Ababa (Caasimada Online) – Xukuumadda Abiy Ahmed ee Itoobiya ayaa si rasmi ah u shaacisay inay gar-gaar bini-aadanimo u dirtay caasimada gobolka Tigrey-ga ee Mekelle, oo maalmihii u dambeeyay laga soo sheegayay xaalado bini-aadanimo.

Xafiiska Ra’iisal Wasaare Abiy Ahmed ayaa sheegay inay kolonyo baabuur ah oo cunto sida u dirtay caasimada Tigrey-ga, si ay wax uga qabato xaalada adag ee ka dhalatay dagaalkii maamulka TPLF iyo dowladda.

“30 baabuur oo kuwa xamuulka ah oo sida 12,500 kiish oo midkiiba 100 Kiiloo yahay ayaa gaaray caasimada gobolka Tigray ee Mekelle, sidoo kalena waxa wadada kusii jira 7,000 oo kiish oo daqiiq ah” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska Abiy.

Sidoo kale waxa lagu wadaa maalinta Sabtida inay gaaraan gobolkaas daawooyin faro badan oo ay xukuumadda Abiy Ahmed ugu talo-gashay in wax looga qabto xaalada caafimaad ee caasimada, sida lagu sheegay qoraalka xukuumadda.

“Saddex baabuur oo kale oo sida dawooyin ayaa iyaguna gaari doona maalinta Sabtida caasimada Mekelle” ayaa lagu yiri

Waxa kale oo ay xukuumadda Abiy beenisay in uu hakad galay gar-gaarka bini-aadanimo ee gobolkaasi loogu tala-galay, tan iyo intii uu socday dagaalka TPLF iyo dowlada.

Arrintan ayaa imaneysa xili ay Qaramada Midoobay sheegtay inay adag tahay in gar-gaar bini-aadanimo la geeyo deegaano badan oo ka tirsan gobolka Tigrey-ga, isla markaana ay ka gacan siin weyday xukuumadda.

Dagaalka Tigrey-ga ayaa waxa uu galaaftay nolosha boqolaal qof, halka ay ku barakaceen tobanaan kun oo kale, inkasta oo ay adag tahay in si sax ah looga warbixiyo waxa ka socda gudaha gobolkaas, madaama  ay go’an yihiin isgaarsiinta iyo internet-ka.

The post Xukuumada Abiy Ahmed oo ogolaatay arrin ay muddo ka diidaneyd gobolka Tigray first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this