Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii ugu dambeeyey kulamada uu R/W Rooble ka wado magaalada Garoowe

Recommended Posts

Deeq A.   

Garoowe (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo shalay gelinkii dambe gaaray magaalada Garoowe ayaa xalay kulamo xasaasi ah ka bilaabay gudaha magaaladaasi oo xarun u ah Puntland.

Rooble oo xalay ku hoyday Garoowe ayaa kulan horudhac ah la qaatay madaxda ugu sarreysa ee dowlad goboleedka Puntland, sida madaxweynaha & ku xigeenkiisa.

Sidoo kale waxaa kulanka goob joog ahaa mas’uuliyiin kale oo ka tirsan maamulkaasi iyo siyaasiyiin saameyn leh oo ka soo jeeda deegaanada Puntland.

Kulankan ayaa horudhac u ahaa shirar maanta si rasmi ah uga bilaabanayo magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal, kuwaas diirada lagu saarayo arrimaha doorashooyinka iyo tabashada ay ay qabaan maamullada Puntland iyo Jubbaland.

Ujeedka safarka Rooble ee Garoowe ayaa ah sidii xal looga gaari lahaa muranka ka taagan doorashooyinka Soomaaliya ee 2020 illaa 2021-ka.

Soomaaliya ayaa isku diyaarineyso doorasho guud oo isugu jirta tan baarlamaanka iyo madaxweynaha, taas oo la filayo inay bilaabato dhammaanka sanadkan ee 2020-ka.

The post Wararkii ugu dambeeyey kulamada uu R/W Rooble ka wado magaalada Garoowe first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this