Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka oo baahiyey muuqaal laga soo duubay duqeyntii JILIB

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska ciidamada Mareykanka ee qaaradda Afrika ee magaciisa loo soo gaabiyo AFRICOM ayaa baahiyey muuqaal laga duubay duqeyn ay 10-kii bishaan diyaaradahooda ka fuliyeen degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe.

Duqeynta oo dhacday kowdii duhurnimo ee maalintii Khamiista aheyd ayaa waxaa AFRICOM ay sheegtay in lagu bartilmaameedsaday goob ay ku sugnaayeen Al-Shabaab oo ku taalla meel u dhow degmada Jilib oo dhacda koonfurta Soomaaliya.

AFRICOM ayaa sheegtay in weerarkaasi dhanka cirka ah lagu dilay ugu yaraan sideed xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaa, laguna dhaawacay labo kale.

Xubnaha la dilay iyo kuwa la dhaawacay ayaa Al-Shabaab u qaabilsanaa qeybta qaraxyada, sida ay sheegtay AFRICOM.

Sidoo kale muuqaalka la baahiyey ayaa waxaa ka muuqday olol meel dheer ah oo ka baxaya goobta la bartilmaameedsaday oo sidoo kale bur buur uu gaaray.

Warsaxaafadeedka ka soo baxay AFRICOM waxaa sidoo kale lagu sheegay in duqeyntan ay ku timid iskaashi dhex-maray ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Mareykanka.

Muddooyinkii la soo dhaafay Mareykanka ayaa xoojiyey howl-gallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee uu ka fuliyo gobollada Jubbooyinka ee koonfurta Soomaaliya.

The post Mareykanka oo baahiyey muuqaal laga soo duubay duqeyntii JILIB first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this