Deeq A. Posted December 12, 2020 Taliyaha ciidanka booliska dowladda federaalka Soomaaliya Gen. Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa isbedel ku sameeyay ciidanka booliska Galmudug. Wareegto kasoo baxday taliye Xijaar ayaa taliyaha ciidanka booliska Galmudug loogu magacaabay G/Sare Khaliif Cabdulle Maalin, halka taliyaha gobolka Galgaduud loo magacaabay Sharmaake Cabdulle Warsame. Sidoo kale taliye Xijaar ayaa Maxamed Mire Maxamed u magacaabay Taliyaha guud ee ciidanka booliska magaalada Dhuusamareeb, wuxuuna xilka qaadis ku sameeyay taliyihii hore, iyadoo taliyaha booliska Gaalkacyo laga dhigay Cali Xirsi Sahal.Taliyaha ciidanka booliska dowladda federaalka Soomaaliya ayaa Faarax Xuseen Xasan u magacaabay taliyaha booliska magaalada Caabudwaaq, waxaana Taliye ku-xigeen looga dhigay Bilaal Xasan Cali. Taliye Xijaar ayaa saraakiisha la magacaabay faray inay si deg deg ah xilalkooda ula wareegaan, isla markaana ay si toos ah u gutaan waajibaadkooda shaqo ee loo idmaday. PUNTLAND POST The post DFS oo isbedel ku sameysay taliyeyaasha booliska Galmudug appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites