Sign in to follow this  
Deeq A.

Qoor Qoor oo magacaabay guddi uu xubin ka yahay Fiqi

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) ayaa magacaabay guddi cusub oo ka kooban Toban xubnood, kuwaasi oo kaalin mug leh ka qaadanaya baaritaan lagu sameyn doono dil maalintii Arbacadii ka dhacay degmada Balanbal.

Guddigan ayaa baaris dhab ah ku sameynaya dilkii degmada Balanbal ee dhanka waqooyi kaga taalla gobolka Galgaduud loogu geystay saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliya.

Waxa guddigan uu magacaabay Qoor-Qoor hogaaminaya Wasiirka Amniga gudaha ee maamulkaas, Axmed Macallin Fiqi iyo Wasiirka Arimaha Gudaha, Dib-u-heshiisiinta & Dowladaha Hoose, Cabdi Maxamed Jaamac oo isaguna ah guddoomiye ku-xigeen.

Waa kale oo xubno ka ah guddigaas; Wasiirka Warfaafinta, Wasiiru Dowlaha Cadaaladda, Xeer ilaaliyaha guud, taliyaha Nabad-sugidda Galmudug, ku-simaha taliyaha ahna taliye xigeenka ciidanka Booliiska GM, Guddoomiyaha Degmadda Guriceel, Guddoomiyaha Dhuusamareeb iyo Guddoomiyaha Degmada Balanbal.

Wasiirka warfaafinta Galmudug oo kamid ah guddiga uu magacaabay madaxweynaha Galmudug oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay ciidamada amniga soo qabteen qaar kamid ah dadkii fuliyay dilkaasi, iyada oo xusay in lagu dabo jiro kuwa kale ee gacan ka geystay dilkaas.

Maalintii Arbacadii ee 9-kii bishan ayaa waxa maleeshiyaad hubeysan oo haybtooda la garaneyn ay degmada Balanbal ku dileen lix sarkaal oo ka tirsan ciidamada xooga, waxaana bilowday tan iyo markii uu dhacay dilkaas howl-galo lagu baadi-goobayo dadkii ka dambeeyay falkaas.

The post Qoor Qoor oo magacaabay guddi uu xubin ka yahay Fiqi first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this