Sign in to follow this  
Deeq A.

Israa’iil iyo Morocco oo heshiis kala saxiixday iyo Trump oo ka hadlay

Recommended Posts

Deeq A.   

Dalka Morocco ayaa noqday dalkii ugu dambeeyay oo ka tirsan Jaamacadda Carabta isla markaana ogolaada inuu xiriir diblomaasiyadeed la yeesho Israa’iil waxaana heshiiskaan gar wadeen ka ah dowladda Mareykanka.

Qeyb ka mid ah heshiiska, Mareykanka wuxuu ogolaaday in uu aqoonsado sheegashada Morocco ee ku saabsan gobolka lagu muransan yahay ee Saxaraha Galbeed.

Waa dhulka ay isku hayaan Morocco iyo Jabhadda Polisario oo ay Aljeeriya taageerto, oo doonaysay inay samaysato dowlad madax bannaan. Morocco waa dalkii afraad ee heshiis noocan ah la sameeya Israel tan iyo bishii Ogoosto. Sidoo kale Israa’iil ayaa heshiisyo dhowaan la’gashay dalalka Imaaraadka Carabta, Baxreyn iyo Suudaan.

Aqalka Cad ayaa sheegay in Mr Trump iyo Boqorka Morocco Boqor Maxammedka lixaad ay isku raaceen in Morocco ay “dib u bilaabi doonto xiriirkii diblomaasiyadeed ee u dhaxeeyay Morocco iyo Israel ayna balaarin doonto iskaashiga dhaqaale iyo dhaqan si loo hormariyo xasiloonida gobolka”.

PUNTLAND POST

The post Israa’iil iyo Morocco oo heshiis kala saxiixday iyo Trump oo ka hadlay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this