Sign in to follow this  
Deeq A.

Hunter Biden oo shaaciyay in lagu hayo baaritaan la xiriira Canshuur-bixinta

Recommended Posts

Deeq A.   

Hunter Biden, wiilka madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Joe Biden, ayaa Arbacadii sheegay in uu ku socdo baaritaan federaal oo la xiriira canshuurta.

Arrintan uu shaaciyay Mr. Hunetr Biden, lama socon wax faah-faahin, balse waxay dib u soo nooleyn kartaa carradii Xisbiga Jamhuuriga ee ku aadaneyd qoyska Biden.

“Waxaan shalay ogaaday markii ugu horresay in xafiiska xeer-iaaliyaha Mareykanka ee gobolka Delaware uu ku wargeliyey la-taliyaheyga sharciga in ay baarayaan arirmaha canshuuraheyga,” ayuu Hunter Biden

Hunter Biden oo ah qareen 50 jir ah islamarkaana aas-aasay shirkado dhinac maal-gashiga iyo la-talinta ayaa kasoo shaqeeyey hay’ado kala duwan.

PUNTLAND POST

The post Hunter Biden oo shaaciyay in lagu hayo baaritaan la xiriira Canshuur-bixinta appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this