Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo la wareegtay Degaano ka tirsan Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   

Al-Shabaab oo la wareegtay Degaano ka tirsan Puntland

milxo-300x166.jpg

Kooxda Al-shabaab ayaa saaka la wareegtay degaanka Milxo, oo u dhexeeya  Magaalada Durduri iyo Laasqoray.

Kooxda ayaa subaxnimadii hore ee saaka weerar culus ku qaadday degaanka Milxo, waxaana halkaas ka dhacay dagaal kooban oo dhexmaray iyaga iyo shacabka Halkaa Degan sida ay xaqiijinayaan ilo-wareedyo dhanka Amniga ah.

Wararku waxay intaas ku darayan, in kooxda Al-shabaab qabatay oo kaxaysatey Guddoomiyihii Tuulada Milxo Maxamed Jaamac Aar (Bulbul) iyo shakhsiyaad kale inkastoo aan weli si rasmiya loo xaqiijin.

Isgaadhsiinta degaanka ayaa go’an, waxaana adag in warar sugan laga helo khasaaraha ka dhashay weerarka Al-shabaab ku qaadday tuuladaas Milxo.

Weerarka ayaa ku soo beegmay, Maalin ka dib Markii Al-shabaab ay Shixnad Hub fududa kala soo degeen Xeebta Durduri oo ku dhow degaankaas Milxo.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this