Sign in to follow this  
Deeq A.

Dagaal khasaare geystay oo maanta ka dhacay gobolka Gedo

Recommended Posts

Deeq A.   

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar iyo dagaal is-xigay oo maanta ka dhacay qeybo ka mid ah gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya.

Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa yimid, kadib markii dagaalyahano ka tirsan Xarakada Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhig ciidamada dowladda Itoobiya qeybta ka ah howl-galka AMISOM ay ku leeyihiin gudaha degmada Buurdhuubo ee gobolkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhacay dagaal foolka fool ah oo la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, kaas oo socday muddo saacado ah.

Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegay in dagaalkaasi khasaare lixaad leh lagu gaarsiiyey dagaalyahanadii Al-Shabaab ay weerarka soo qaaday, islamarkaana haatan xaaladdu ay tahay mid deggan.

Dhinaca kale Al-Shabaab oo war ka soo saartay dagaalkaasi ayaa sheegatay inay ku dishay ugu yaraan illaa lix askari oo ka tirsanaa ciidamada dalka Itoobiya.

Xaaladda ayaa haatan ah mid xasilan, waxaana lagu soo warramayaa in goobihii lagu diriray ay ku sugan yihiin ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa AMISOM.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this