Sign in to follow this  
Deeq A.

Nin hubeysan oo dil ka geystay duleedka degmada Caabudwaaq

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka laga helayo gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in maanta nin hubeysan uu dil ka geystay duleedka degmada Caabduwaaq oo ku taalla waqooyiga gobolkaasi.

Dilka ayaa waxaa lagu soo warramayaa in loo geystay nin dhalinyaro ah oo si weyn looga yaqaanay halkaasi.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Galmudug oo baaritaano ka wada duleedka degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud.

Saraakiisha laamaha amniga ayaa shaaca ka qaaday in ay gacanta ku soo dhigi doonaan ninka dilka geystay oo goobta isaga baxsaday, si cadaaladda loo horkeeno.

Maalmihii dambe ayaa waxaa gobolka Galgaduud ku soo badanayey dilal salka ku haya arrimo la xiriira aanooyin Qabiil oo ka taagan gobolkaasi oo dhaca bartamaha Somalia.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this