Sign in to follow this  
Deeq A.

Aqalka Sare Ee Maraykanka Oo Ansixiyey Hubka Uu Trump Ka Iibinayo Imaaraadka

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Washington)-Aqalka Sare ee Senate-ka Maraykanka ayaa ugu dambeyntii ansixiyey qorshaha dowlada Trump ay hubka badan kaga iibineyso dowladda Imaaraadka.

Mashruucan oo ku kacaya 23 bilyan oo dollar ayey Imaaraadku doonayaan inay Maraykanka kaga iibsadaan hubka casriga ah gaar ahaan diyaaradaha F-35 iyo Drone-ka loo yaqaan Reapers.

Balse waxaa si weyn uga soo horjeeday hubka badan ee Imaaraadka laga iibinayo qaar badan oo kamid ah Xildhibaanada Dimuquraadiga ee Kongareeska oo dowlada Imaaraadka ku eedeeyey danbiyada dagaal ee ka dhacay dagaalka ka socda waddanka Yemen.

Imaaraadkaa oo dhawaan heshiis la galay Israa’iil ayaa qorshahoodaas qeyb ka ahaa in loo fududeeyo hubkan casriga ah oo ay doonayaan inay gacanta ku dhigaan.

Madaxweynaha wakhtigiisa sii dhammaanayo ee Donald Trump ayaa ku goodiyey inuu codkiisa qayaxan ee VETO u adeegsan doono meel marinta iibka hubkan Imaaraadka doonayo haddii Aqalka Sare is-hortaago qorshahooda, arrintan oo ku cadaadisay xildhibaanada xisbigiisa Jamhuuriga ee heysta Aqlabiyada aqalka Sare inay ansixiyaan mashruucan.

Mashruucan ayaa waxaa sidoo kale dibada ka riixayey shirkadaha hubka soo saara ee Maraykanka oo awood badan ku dhexleh labada xisbi ee waddanka Maraykanka.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this