Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaa ka soo baxay howl-gallada ka socda gobolka Galgaduud?

Recommended Posts

Deeq A.   

Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howl-gallo ciidamada Galmudug iyo kuwa dowladda xalay, illaa saaka ay ka wadaan qeybo ka mid ah gobolka Galgaduud oo shalay lagu laayey saraakiil ka tirsanaa ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Howl-gallada ayaa si gaar ah waxaa looga fuliyey wadada isku xirta magaalooyinka Guriceel iyo Balanballe oo ah meesha uu ka dhacay weerarka lagu dilay saraakiisha.

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug, Cali Daahir Ciid oo u warramaya warbaahinta ayaa sheegay in gacanta lagu soo dhigay mid ka mid ah raggii ka dambeeyey werarkaasi.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in la soo bad-badaadiyey labo sarkaal oo la waayey, kadib dhacdadaasi.

“Waxaa howl-gallada lagu qabtay mid ka mid ah maleeshiyaadkii falkaasi gaystay, halka labo Sarkaal oo ka mid ahaa saraakiishii la waysana lagu soo badbaadiyey,” ayuu yiri.

Ugu dambeyn madaxweyne Galmudug ayaa tacsi diray ehedllada saraakiisha iyo askarta lagu waayey duleedka deegaanka Balanballe ee gobolka Galgaduud.

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this