Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaa ka soo kordhay weerarkii saraakiisha lagu laayey ee GALGADUUD?

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka Glamudug oo saacadihii u dambeeyey howl-gallo ka sameeyey gobolka Galgaduud ayaa waxa ay gacanta ku soo dhigeen mid ka mid ah maleeshiyaadkii ka dambeeyey weerarkii saraakiisha lagu laayey ee ka dhacay duleedka Guriceel ee isla gobolkaasi.

Madaweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug, Mudane Cali Daahir Ciid oo faah faahin ka bixiyey howl-galladaas oo si gaar ah looga fuliyey inta u dhexeysa magaalooyinka Guriceel iyo Balanballe ayaa sheegay in ciidamada ammaanka ay ku guuleysteen soo qabashada ninkaasi oo ku hubeysnaa qoray AK47 ah.

Ciid ayaa tilmaamay in haatan laamaha amnigu ay wadaan baaritaano dheeraad ah, isaga oo intaasi ku daray inay ku raad joogaan kooxihii ku lugta lahaa weerarkaasi.

Sidoo kale madaxweyne ku xigeenka Galmudug ayaa shaaciyey in dib loo helay labo sarkaal oo shalay lagu waayey weerarkaasi, kuwaas oo lagu kala magacaabo, Labo xidigle Qalbi Indha-taa iyo Gaashaalne Cayroow Warsame Xassan.

“Waxaa howl-galada lagu qabtay mid ka mid ah maleeshiyaadkii falkaasi gaystay, halka labo Sarkaal oo ka mid ahaa saraakiishii shalay la waysana lagu soo badbaadiyey,” ayuu yiri madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug.

Ugu dambeyn wuxuu tacsi tiraanyo leh diray ehedllada saraakiisha iyo askarta lagu waayey halkaasi.

“Anigo ku hadlaya magaca Madaxtooyada Galmudug waxaan marlabaad tacsi u diraya Ciidamada Xoogga Soomaaliya iyo dhamaan Qoysaska ay ka baxeen iyo Qaraabada, waxaan Allah ka baryaa in uu Samir iyo iimaan naga Siiyo dhamaanteen,”.

Dilka wadareedka loo geystay saraakiishan oo gaarayey illaa 6 ayaa salka ku haya dilal xiriira aano Qabiil oo ka taagaan gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.

The post Maxaa ka soo kordhay weerarkii saraakiisha lagu laayey ee GALGADUUD? first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this