Sign in to follow this  
Deeq A.

Saraakiil lagu waayay weerarkii Galgaduud oo saaka la helay

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka ka imaanaya degmada Balanbal ee gobolka Galgaduud, ayaa sheegaya in meydadka  lix sarkaal oo ka tirsanaa Milateriga Soomaaliya oo shalay lagu laayay inta u dhexeysa Guriceel iyo Balanbal saaka lagu aasay degamadaas.

Saraakiisha la laayay ayaa waxaa magacyadooda kala yihiin; laba Xidigle Faarax Jaamac Colaad, Kabtan Shariif Cirro Maxamed, Gaashaanle Gaangul Xalane, Kabtan Siciid Xassan Faleey, Gaashaanle Dhagaqool Yuusuf iyo 6- Gaashaanle Cabdi Guuna Guune.

Sidoo kale, Kabtan Suldaan Dirir Aadan Gaas, oo dagaalka saraaakiisha lagu laayay ku dhaawacmay ayaa xalay la geeyay magaalada Guriceel, iyadoo laba sarkaal oo weerarkaas ka badbaaday oo la la’aa tan iyo shalay saaka la heley ayagoo badqaba.

Dhinaca kale, wasiirka Amniga gudaha Soomaaliya, Xasan Xuntubey Jimcaale, ayaa ka tacsiyeeyay dilka askarta ka tirsaneyd Milateriga Soomaaliya ee lagu laayay gobolka Galgaduud.

PUNTLAND POST

The post Saraakiil lagu waayay weerarkii Galgaduud oo saaka la helay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this