Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha waddanka Ghana oo dib loo doortay

Recommended Posts

Deeq A.   
2-12.jpg?resize=696%2C385&ssl=1

Madaxweynaha Ghana Nana Akufo-Addo, ayaa dib loo doortay Isniintii todobaadkan sida ay shalay shaaciyeen guddiga doorashada dalkaasi.

Natiijada Doorashada ayaa lagu muransan yahay, waxaana shan kamid ah murashaxiintu sheegeen in ay ku guuleyteen doorashada, inkastoo Guddiga Doorasahadu beeniyay warkooda.

Ciidanka booliiska, waxay sheegeen in 60 dhacdo diiwaan geliyeen, intii ay socotay codbixinta doorashada isniintii, madaxweyne Nana Akufo-Addo waxaa la tartamayay 10 murashax oo uu ku jiro madaxweynihii hore John Mahama.

Korjoogtada madaxa banaan ee doorashada ayaa u hambalyeeyay madaxweynaha, ayagoo qiray in doorashada ay ku dhacday jawi nabad ah.

Waxaa jirey eedeymo ku saabsan in dowladda cadaadis saartay mucaaradda intii ololaha doorashada socdeen,  iyadoo adeegsanaysa ciidanka waddanka.

PUNTLAND POST

The post Madaxweynaha waddanka Ghana oo dib loo doortay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this